Asalaamu Calaykum Ustaad :
1- waxaa rabaa qaabka ugu fudud noqon full stack web developer sida ugu sahlan ee aan sahlan ee aan ku Expert full stack web developer ?
2- ustaad luqadii waan baranay dhibaato ayaa jirta luqadii wax kuma dhisi karto sida projectiyada rabno ooo kale ah
Wcs, soo dhawoow.
Marka hore hadaa rabtid inaa full stack noqotid, waa inaa frontend ku bilowdaa. HTML iyo CSS horta meel kasoo saar, taas waxaan ka wadaa waa inaa HTML iyo CSS kaliya aad website ku dhistaa adigoon isticmaaleynin Bootstrap ama wax kale. Habkaa taas u sameyn karto waa inaa marka hore qof sameynaayo raacdaa. Casharkaan camal waad raaci kartaa, xataa hadaadan fahmin wuxuu leeyahay, wuxuu sameynayaa raac https://www.youtube.com/watch?v=oYRda7UtuhA
Markaa HTML iyo CSS wax ku dhisto, isku day inaa wax ka badasho ood adiga saa rabto aa ka dhigato. Kadib markaa si fiican u fahanto HTML iyo CSS, waxaa u gudbeysaa Javascript, casharo aan ka sameynay Javascript ayaa website-kaan ku jiro. Halkaan ka daawo
Wixii intaas ka danbeeyo, adaaba fahmeysid waxaa rabto. Waxaa kaloo muhiim ah inaa heysato qof ku hago ood su’aalo waydiin karto.
to be an expert full stack developer takes a time and commitment. it is not easy as you might think. waa inaad barataa labada qaab ee webku u shaqeeyo oo loo kala yaqaano frontend and backend . frontend waxa hoos yimaada, HTML, CSS , JAVASCRIPT. halka backend yahay server side languages. kuwo badan ayaa jira. kaad doonta ayaad baran kartaa. laakiin waa in aad hal backend language barataa hadaad kolba mid isku qaado waligaa waxba baran maysid. backend languageka ugu caansan waxaa ka mida PHP, PYTHON, IYO javascript laftigeeda, marka ay tahay NODEJS.
sidoo kale waa inaad barataa Database Design and modeling. sida database loo design gareeyo. SQL querieska databasekaasi leeyahay hadii uu yahay RDMS. sida MySQL.
waxaan kugu talin lahaa 6 bilood oo hore oo dhan html css iyo javascript , markaad si wanaagsan u barato u soo gudub backedn development iyo databaseska. Backed languageka markay noqoto web development waa PHP. hadaad barato. ilaa qaybteda OOP (Object Oriented Programming) ka dib waxaad u gudbaysaa Frameworks. frameworka aan ugu jeclahay uguna wanaagsan ee php leedahay Waa laravel,
Good luck