Full stack web developer

Share : Answer for Full stack web developer

Wcs, soo dhawoow.

 

Marka hore hadaa rabtid inaa full stack noqotid, waa inaa frontend ku bilowdaa. HTML iyo CSS horta meel kasoo saar, taas waxaan ka wadaa waa inaa HTML iyo CSS kaliya aad website ku dhistaa adigoon isticmaaleynin Bootstrap ama wax kale. Habkaa taas u sameyn karto waa inaa marka hore qof sameynaayo raacdaa. Casharkaan camal waad raaci kartaa, xataa hadaadan fahmin wuxuu leeyahay, wuxuu sameynayaa raac https://www.youtube.com/watch?v=oYRda7UtuhA

Markaa HTML iyo CSS wax ku dhisto, isku day inaa wax ka badasho ood adiga saa rabto aa ka dhigato. Kadib markaa si fiican u fahanto HTML iyo CSS, waxaa u gudbeysaa Javascript, casharo aan ka sameynay Javascript ayaa website-kaan ku jiro.  Halkaan ka daawo

Wixii intaas ka danbeeyo, adaaba fahmeysid waxaa rabto. Waxaa kaloo muhiim ah inaa heysato qof ku hago ood su'aalo waydiin karto.