Soo dhawoow Mohamed,
Hadaa dooneysid inaa bilowdo barashada programming-ka, meelo kala duwan ayaa laga bilaabay taas oo ku xiran adiga aqoonta aad hada leedahay. Hadaadan waligaa taaban wax code ah ama aadan arkin, waxaa fiican si guud inaa u fahanto. Taas waxaan kuula talin lahaa Youtube channel-lada looga hadlo programming-ka inaa ku xirnaato.
Lakin hadaa fahansantahay waxa uu code yahay, horayna aad u aragtay (qasab ma aha inaa fahmeysay), waxaad ka bilaabi kartaa HTML iyo CSS. Labadaas meel kasoo saar oo wax ku dhis. Markaa dareento inaa labadaas aad si fiican u fahantahay, Javascript u gudub, waqti fiican ku bixi Javascript oo isku day cilmigii aad HTML u lahayd inaad ku dabaqdo Javascript.
Markaad Javascript si fiican u fahanto, kadib adigii garan doontid wadada aad rabto inaa qaado.
Waa intaas taladeyda, dadka kalana wax way ku dari karaan.